MD Xasan Sheekh ‘’ Waxaan la kowsaday laba caqabad oo waawayn markii aan xafiiska imid ‘’

Muqdisho (Raxanreeb )  Madaxweynaha  Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacay xarunta KMG ee Golaha Shacabka BFS ee Villa Hargeysa.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka Golaha ayaa ugu horreyn uga warbixiyay mudanayaasha labada Aqal, xaaladda guud ee Dalka isaga oo sheegay in Dalka hadda uu ku jiro dagaalka ka dhan ah AS kaas oo ka socda inta badan Goballada.

“Waa in aan isku garab siino shacab iyo dowladba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadaw ee aan maanta leenahay, dib u xoreynta dalka oo dhan waa waddada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sarreeyo” sida uu ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga labaad ee Barlamaanka .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe ayaa Xukuumaddda ugu baaqay inay si deg-deg ah ay usoo gudbiso xubnaha guddiga dib u eegista Dastuurka si shaqada dib u eegista Dastuurka KMG ah u bilaabato.

Sidoo kale wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in dalku yeesho Maxkamadda Dastuuriga si xal loogu helo Khilaafka soo laab laabta, sidoo kalena uu Muhiim yahay in labada gole ee Baarlamaanku meel mariyaan dadajinta Maqaamka caasimadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda” Markii aan xilka la wareegay waxaan la kowsaday laba arrimood oo kala daran oo kala ah abaaraha iyo dagaalka Khawaarijta, waxaana aan qaaday talaabo aan u arkay inay muhiim tahay”

Leave a Reply

Your email address will not be published.