Midowga Africa oo ansixiyay dhismaha howlgalka cusub ee Soomaaliya.

Midowga Africa oo ansixiyay dhismaha howlgalka cusub ee Soomaaliya.

(Raxanreeb online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ansixiyay abuuritaanka howlgalka cusub ee Soomaaliya, kaasoo loogu magac daray “Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya.”

Sidoo kale, war murtiyeed laga soo saaray gebagebadii kulankooda ayaa goluhu waxa ay ku nuux nuuxsadeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in si dhab ah loo qiimeeyo saameynta ay yeelan karto wejiga saddexaad ee ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) si looga fogaado wax kasta oo amni darro ah inta lagu guda jiro xilliga u gudubka howlgalka cusub.

Dhanka kale, golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa bogaadiyay kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo saaxiibada muhiimka ah ee caalamiga ah. Wadashaqeyntan waxay ujeedadeedu tahay in la fududeeyo si hufan oo wax ku ool ah fulinta waajibaadka cusub ee loo igmaday.

Goluhu wuxuu kaloo ammaanay dadaalka iyo hagar la’aanta ee Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibada caalamka ee ku aaddan taabba-gelinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee loo qabo in la kordhiyo taageerada la siiyo dowladda Soomaaliya si loo abaabulo agabka mudnaanta la xiriirta xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in si habsami leh loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga ee lagu ciidamada amniga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.