Shiinaha iyo Ruushka oo heshiisyadii ugu badnaa kala saxiixday

Shiinaha iyo Ruushka oo heshiisyadii ugu badnaa kala saxiixday

Dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, ayaa hadda saxiixay bayaan wadajir ah oo ku saabsan xoojinta isku-dubaridka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushka, iyo “xoojinta iskaashiga saaxiibtinimo iyo deris wanaagga”.

Waxaa la filayaa inay hadda saxiixaan 20 dukumenti oo dheeraad ah oo ku saabsan arrimo kale oo badan, oo ay ku jiraan heshiisyada iskaashiga ganacsiga iyo tignoolajiyada.

Mas’uuliyiin ka kala socda Shiinaha iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiisyo taxane ah, oo ku saabsan dhinacyada ganacsiga, tignoolajiyada, ganacsiga la xirriira garaadka iyo cilmi-baarista sayniska.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo dhgiisa Shiinaha, Xi Jinping ayaa ku kulmay magaalada Beijing ee Shiinaha.

Booqashada Putin ee Shiinaha waxay imaaneysa maalmo un kadib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu safar ku tegay dalka Shiinaha.

Vladimir Putin ayaa u sheegay Xi, in xirriirka labada dal u gaaray heer aad u sarreeya oo aan horey loo arag.

Leave a Reply

Your email address will not be published.