Muqdisho (Raxanreeb Online) Suuqyada lagu iibiyo Hilibka Geela ee magaalada Muqdisho ayaa saakay haawanaya, kaddib markii qiimaha Neefka Geela uu aad qaali u noqday.
Ganacsatada Hilibka qala, ayaa sheegay in aan loo dhowaan karin qiimaha lagu iibinayo Neefa Geela, taasina ay sababtay in maanta wax hilib ah la keenin.
Qaar kamid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in saakay wax hilibka aysan isticmaalin, isla markaana ay ganacsatada iyo dowladda ugu baqayaan in wax laga qabto isbadalka ku yimid iibka Geela.
Sidoo kale dalaaleedka Geela, ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ay tahay canshuurta iyo abaaraha dalka ka jira, taasina ay keentay in la taaban waayo qiimaha lagu iibinayo Neefka Geela.

Leave a Reply