Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari katirsan ciidanka dowladda oo qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Waaberi, waxaana lagu sheegay sababta askariga uu u dilay qofka shacab ah u dilay ay aheyd oo kaliya “maxaad ii soo fiirisay”.
Marxuumka geeriyooday oo 21 jir ah, ayaa lagu magacaabi jiray cali, waxaana la sheegay inuu ka shaqeeynayay Foorno ku taalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Goob jogayaal ayaa inoo sheegay in askariga dilka geystay uu goobta isaga baxsaday, meydkana uu yaallo goobta.
Ciidamo katirsan dowladda, ayaa gaaray goobta uu falka dilka ah ka dhacay.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco
Leave a Reply