Muxuu ku ahaa ujeedka ay Saraakiisha ka socotay ciidanka Turkiga ay u booqdeen  xerada ciidanka Haramcad ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wafdi Saraakiil ah oo ka socday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Özel Harekat ayaa maanta booqasho ku tagay Xerada ciidanka Haramcad ee General Farxaan Mohamoud Qaroole.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta ciidanka gaarka ah ee labada dal. Wafdiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista awoodda hawlgal ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran.

Taliyaha Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, ayaa uga mahadceliyey wafdiga Özel Harekat booqashadooda, isagoo xusay in kulankani uu yahay mid muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada ciidan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.