Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya howlgal ay maanta ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Howlgalkan ayaa si wadajir ah, u sameeyeen ciidamada Booliska, kuwa Xasilinta iyo Nabad Sugidda, waxaana hoggaaminayay guddoomiye Abshir Kaaraan, iyo saraakiisha laamaha amniga.
Ciidamadan ayaa gudaha u galayay guryo ku yaalla xaafadaha Faanoole, Wajeer iyo Buulo Maxaay, oo ka wada tirsan degmada Kaaraan, halkaas oo lagu soo qabtay dad fara badan.
Howlgalkan inta uu socday aya gacanta lagu soo dhigay rag ku hubeysan qoryo kuwaaa oo watay dhar shacab ah, islamarkaana lagu xiray saldhigga booliska ee degmada Kaaraan.
Ciidamada amniga ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay saddex nin oo saarnaa mooto bajaaj ah, kuwaas oo watay Xashiis iyo Calaq, kuwaas oo qeyn weyn ka ah, maandooriaasha ugu xun sidoo kalena qeyb ka ah, amni xumada caasimada.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, ayna wadi doonaan maalmaha soo socda oo dhan.
Abshir Kaaraan, ayaa sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka shacabka ah, oo uu ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga guud, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah, nabad gelyada.
Howlgalladan ayaa qeyb weyn ka noqonaya xaqiijinta amniga ee gudaha caasimadda, iyo ka hortagga kooxaha burcadda ee dhaca u geeysta shacabka ku dhaqan caasimadda.