Mandera (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay maanta dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen meel u dhow magaalada Mandera ee dalka Kenya.
Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo wuxuuna ka dhacay xero ay ciidamada Kenya, ku leeyihiin deegaanka Ceel Raamo, oo hoosta magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Dadka deegaanka ah, ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiil ka tirsan millatariga Kenya oo la hadlay warbaahinta dalkaasi, weerarka kadib ayaa sheegay in ay iska difaaceen shabaabka soo weeraray islamarlaana dib u celiyeen.
Dhanka kale Al-Shabaab, ayaa iyadana guulo waa weyn ka sheegtay weerarkaasi, waxayna sheegeen in jab xooggan ay gaarsiiyeen ciidamada Kenya, sidoo kalena xerada ku gubeen gaadiid dagaal oo badan.
Sidoo kale xaaladda ayaa haatan ah, mid kacsan iyadoo la dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan, iyo howlgallo ay wadaan ciidamada Kenya, ee lagu xaqiijinayo amniga halkaasi.
Al-Shabaab, ayaa inta badan weeraro ku dhufo ka dhaqaaq ah, ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya, ku leeyihiin gudahaSoomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ka mid ah, howlgalka Midowga Africa, ee ATMS.