Hargaysa (Raxanreeb ) Maanta waxa magaalada Hargaysa lagu qabtay shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Somaliland , kaas oo uu shirguddoominayay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi .
Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday rabashadihii maalmo ka hor ka dhacay magaalooyin ka mid ah Somaliland kaas oo lagu dalbanayay in doorashada waqtigeeda lagu qabto>
Sidoo kale Shirka ayaa laga sheegay in Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasaddu iyagoo raacaya xeerarka dejisan in ay soo dhamaystireen marxaladdii koowaad ee diiwaangelinta ururada siyaasadda.
Gaba- gabadii ayaa shirkan oo muddo saacada ah socday waxaa laga soo saaray Qodobadan :
01-Waxa loo raacayaa arrimaha Doorashada xisbiyada/ururada, Xeerarka dalka ay ka mid yihiin Dastuurka, Xeerka Guud ee Doorashooyinka Xeer Lr-91/2020, Xeerka Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Lr-14/2011 iyo qaraarkii Maxkamada Dastuurkiga ahi soo saartay.
02-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo fulinaysa Lr-14/2011 qodobkiisa 6aad oo dhigaya in 10-kii sannaba hal mar loo tartamo Saddexda Xisbi Qaran ee dalku yeelanayo, waxay dhamaystirtay tallaabooyinkii sharci ee xukuumadda kaga aadanaa hawlahaa.
03-Xukuumadda waxa ka go’an in lagu dhamaystiro hawlaha diiwaangelinta, kala saarista iyo doorashada xisbiyada/ururada siyaasadda wakhtiga sharcigu u cayimay, iyadoo hawlahaasina uu sharcigu u xilsaaray Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.
04-Cid kasta oo cabasho ka qabta hirgelinta xeerarka doorashooyinka waxay dacwad u gudbin karaan hay’addaha garsoorka ee u xilsaaran. Haseyeeshee Cidina xaq uma laha in ay si cunfi ah oo ka baxsan sharciga ku raadiso sida ay rabto.
05-Ilaalinta Amniga Qaranka, Fulinta Xeerarka iyo ka hortagga rabshaduhu waxay ka mid yihiin waajibaadka Xukuumaddu u xil-saaran-tahay.
06-Golaha wasiiradu waxa uu ku bogaadinayaa ciidamada amniga ilaalinta nabadgelyada dalka ee ay heeganka u yihiin goobkasta iyo goorkasta, waxaana uu goluhu si adag uga digayaa cid kasta oo waxyeelo u geysata ama kala hortimaada ciidamada ilaalinta nabadgelyada falal lid ku ah xil gudashadooda.
Leave a Reply