Muuse Biixi oo sheegay in doorashada ay lugaha uga dhaganyihiin xisbiyada Mucaaradka

Muuse Biixi oo sheegay in doorashada ay lugaha uga dhaganyihiin xisbiyada Mucaaradka

Hargeysa (Raxanreeb) — Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay doorashada ayaa soo jeediyay in laga fogaado wax weliba oo keeni kara khilaaf, isku dhac iyo kala xulashada xubnaha kuraasta ku fadhiisanaya ee shacabka matalaya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay kala xulashada xubnaha wakiillada ka noqonaya Shacabka ee ku matalaya Maamulka in loo baahan yahay in si heer sare ah loo hubsado si loo helo xubno aqoontoodu sarreyso oo dadka matali kara.

Muuse Biixi ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro kala firdhiska beelaha iyo dadka wax soo xulaya wuxuuna ku taliyay in aad looga fogaado waxyaabaha doorashada daahin kara.

“Sanadkani waa sanad Doorasho, waxa ay ila tahay in haddii aan mar hore loo eegin qofka xilka qabanaya toloow yuu noqon karaa balse la dhaho Dowladdii waxa aan rabnaa hab qaaraanka oo kale ah ee aan la dooran qof qaanuunka & nidaamka yaqaana oo aragti dheer leh la doorto laakiin ma ahan in la dhaho shalay reer hebel ayaa qaatay ee maanta Dadka halaga qaybgeliyo, dee waxa aan leenahay dadka wax yaqaanna halaga qaybgaliyo” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale Muuse Biixi, ayaa dhaliil kala dul-dhacay xubnaha mucaaradka ah ee doonaya in Xukuumadda & Xisbiga Kulmiye talada kala wareegaan waxaana uu sheegay in aanay u diyaarsaneen Doorashada balse ay ku mashquulsan yihiin in ay qoraan warqado dacwado ah oo beesha caalamka loo dirayo.

Biixi, ayaa intaasinku daraybin xukuumad ahaan go’aamiyeen in Doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda, waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ah ugu baaqay in ay daacad ka ahaadaan oo lugaha uga fuqaan Doorashada ay ku dhegan yihiin hadda.

“Si aynu u kala nabadgalno, musuq looga cararo waxa aynu qarash Shan milyan ah gelinay in isha bu’deeda la sawirro, Haddii aynu nahay Xukuumadda waan fulinaynaa sharciga Doorashada, Sharci Doorasho haddii aad is hor istaagtana adiga ayaa cirka roob ku og” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Mucaaradka ayaa laga sugayaa eedeemaha culus oo u huubiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, xalay xuska munaasabadda xuska 26-ka Juun maalinta xornimada ee Somaliland.