William Ruto ‘’ Dadka mudaaharaadka Nairobi ka dhigay waa dembiilayaal ‘’.

William Ruto ‘’ Dadka mudaaharaadka Nairobi ka dhigay waa dembiilayaal ‘’.

Kenya (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Kenya ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la ilaaliyo nidaamka guud ahaan dalka Kenya isla markaana la joojiyo dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda dalkaas.

William Ruto ayaa ku tilmaamay dibadbaxyadii dhacay ee looga soo horjeeday canshuur kordhinta, aynu ku galeen baarlamaanka iyo xarumaha kale ee dowladda kuwo khiyaano qaran ahaa.

Rutu  Waxa uu ka digay in tallaabo laga qaadi doono dibadbaxayaasha rabshadaha sameynaya , isagoo ciidanka amniga faray in ay qaadaan qorshe kasta oo lagu joojinayo dibadbaxyada.

Khudbad uu jeediyay Mr. Ruto ayuu ku sheegay in dadka mudaaharaadaya ay yihiin dambiilayaal halis ah, wuxuuna digniin culus u diray dadka qabanqaabiyeyaasha dibadbaxayada ah.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay nabad ka dib bannaanbax looga soo horjeedo sharciga maaliyadda oo shala dhacay ayna hareeyeen rabshado, iyadoo ay xoog ku galeen dibad-baxayaashu xarunta baarlamaanka.

Hadal uu warbaahinta siiyay Uhuru ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay dadka Kenyanka ah ee lagu laayay dibadbaxyada, isagoo xusay inay muhiim tahay in madaxda la doortay ay dhageystaan ​​dadkii u codeeyay.

Mudaharaadkan oo loogu magacdaray “Bishii Diidmada-Maaliyadda ee Kenya 2024,” ayaa sii xoogaysanayay maalmihii la soo dhaafay, waxaana uu kumanaan dad ah isugu soo baxayeen waddooyinka todobaadkii hore si ay u muujiyaan diidmadooda.

Baarlamaanka ayaa sharcigaani horyaallaa hadda waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan.Sharcigan ayaa todobaadkii hore gudbay wareeggii labaad kadib markii 204 mudane ay taageereen halka 115 ay kasoo horjeesteen. Intaasi ka dib waxaa loo gudbi doonaa wajigii saddexaad ee Baarlamaanka oo wax ka bedel cusub lagu sameyn doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.