Muxuu ka dhigan yahay heshiiska ay wada gaareen madaxda ammaanka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta?

Gaza ( Raxanreeb) — Rabshadihii ugu dambeeyay ayaa ka dhacaya Daanta Galbeed iyadoo kulan naadir ah uu dhexmaray madaxda ammaanka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta oo ka dhacay goob loo tamashle tago oo ku taal Badda Cas ee Jordan.

Lataliyaha sare ee Madaxweyne Biden ee Bariga Dhexe iyo saraakiil Masar ah ayaa sidoo kale halkaas ku sugnaa. Waxay ku heshiiyeen tallaabooyin lagu qaboojinayo mowjadaha rabshadaha ee hadda socda – waxayna Israa’iiliyiintu sheegeen inay joojinayaan ansixinta dhisme kasta oo cusub muddo lix bilood ah.

Dhanka kale Israa’iiliyiinta degan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ayaa gubay dhismayaal falastiiniyiintu leeyihiin, iyagoo halkaas ku dilay hal nin oo Falastiini ah.

Rabshadaha ayaa daba socday toogasho lagu dilay laba qof oo Israa’iiliyiin ah oo ku dhintay tuulo u dhow magaalada Nablus oo todobaadkii tagay ay weerarro ka dheceen.

Dadka deegaanka ayaa ku doodaya in askarta Israa’iil ay ka caawiyeen dadka deegaanka in ay fuliyaan weerarka aargoosiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.