Muqdisho ( Raxanreeb Online) Kulanka dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa xalay ka dhacay hoyga uu madaxweynihii hore ka deggan yahay magaalada Muqdisho.
Ilo xog-ogaal u ah kulanka ayaa inoo xaqiijiyay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka. Waxeeyna noo sheegeen qodobada ugu muhiimsan ee kulanka laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa tabashooyin hore oo shaqsi ah, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si toos ah raalli-gelin uga bixiyay.
Sidoo kale, labada masuul ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira Soomaalida lagu wajaho wada-hadal, is-afgarad iyo wada-tashi ballaaran. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne hore Sheekh Shariif ka codsaday in la qaato hannaan ku saleysan wada-fadhi si xal waara loogu helo is-maandhaafka jira.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay doorka maamul-goboleedyada, iyadoo Madaxweynaha uu ku baaqay in wada-hadal lala yeesho hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland si loo mideeyo aragtiyaha siyaasadeed ee dalka.
Kulankan ayaa imanaya xilli la filayo in shir siyaasadeed oo muhiim ah uu maalmaha soo socda ka furmo magaalada Garoowe kaas oo la saadaalinayo in uu saameyn weyn ku yeesho jihada siyaasadda Soomaaliya.

Leave a Reply