MW Xasan Sheekh muxuu u sheegay ciidanka lagu tababarayo Asmara ?

MW Xasan Sheekh muxuu u sheegay ciidanka lagu tababarayo Asmara ?

Asmara (Raxanreeb )- Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa  kormeer ugu tagay cutubyo  katirsan  ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya  xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib  u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu  warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.