Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Mdane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabada xuska sannad guurada 65-aad kasoo wareegtay markii ay Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qateen gumeystihii Ingiriiska ayaa maanta Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa xusay in Taallada Dhagax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loosoo galay gobanimada dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jacaylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo himmilooyinkii Awooweyaasheen ee Soomaaliya xor ah, nabad ah oo horumarsan.
Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaanno, mas’uuliyiin iyo qaybaha bulshada caasimadda Muqdisho.
Leave a Reply