Kismayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib booqasho uu maalmahan ku joogay magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku salaysnaa xoojinta iskaashiga labada maamul iyo wadatashiyo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, ugu soo dhoweeyay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Jubaland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe, ayaa ka warbixin doonaa qorshihiisii Puntland iyo waxyaabaha muhiimka ah ee ay wada gareen asiga hoggaamiyaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Sikastaba, Axmed Madoobe, ayaa xiligan waxa uu khilaaf siyaasadeed oo adag uu kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxa uuna madaxweynaha marmar badan beesha caalamka ka dalbaday in ay wax ka qabato caqabadaha uu maamulkiisa kala kulmo dowladda federaalka Soomaaliya.
Leave a Reply