Muqdisho ( Raxanreeb Online) Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) ayaa si kulul markale waxa uu uga hadlay weerarkii ciidanka dowladda ku soo qadeen 4-tii bishan Juun, xili uu ku sugnaa guriga xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar ee ku yaalla Muqdisho.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in guriga ay ku wada sugnaayeen asiga, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Ugaaska beesha Mursade, Ugaaska beesha Abgaal iyo in ka badan 70 Odayaal dhaqan ah, isla markaana ujeedka ay halkaasi u joogeen ay aheyd arrimo ku saabsan xaalada dalka.
Sanbaloolshe, ayaa sheegay in haddii diyaarad uu heysan lahaa maalintaas madaxweyne Xasan Sheekh uu duqeyn lahaa, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu tilmaamay in kaliya madaxweyne Xasan Sheekh ay ku filneed inuu telefoon u soo diro, isla markaana nagu dhaho meeshan isaga baxa wixii naga dhaxeeya wada-hadalka ayaan ku dhameeyn karnaa, “annaga diyaar ayaan u nahay ayaan dhihi laheyn”.
Sidoo kale Sanbalooshe, ayaa ku dhaartay inuusan cafin doonin madaxweyne Xasan Sheekh, xitaa haddii ay kasoo wareegto 100 sanno, oo aan laga xalin dhibka loo geystay.
Hadalka Agaasimihii hore ee NISA Sanbaloolshe ayaa imaanaya iyada dowladda Soomaaliya ay mucaaradka ku eedeeysay in aysan dooneynin nabada ka jirta magaalada Muqdisho.

Leave a Reply