Nin loo haystay dil oo ku dhowaad 28 sano xirnaa oo wax dambi ah lagu waayey

Nin loo haystay dil oo ku dhowaad 28 sano xirnaa oo wax dambi ah lagu waayey

Washington (Raxanreeb) — Ninkan oo Mareykan ah waxaa uu qiyaastii 28 sano in ku dhow ku jiray xabsiga wuxuuna mar walba dafiri jiray in uu gaystay dilka lagu xukumay hadda ayaase waqtigaas dheer ka dib lagu waayey wixii loo heystay.

Lamar Johnson oo 50 jir ah ayaa isagoo xor ah ka soo baxay maxkamad ku taalla St Louis oo Mareykanka ah maalinimaii Talaadada ee shalay ka dib go’aan uu garsooraha Maxkamaddas uu soo saaray .

Xaakimka ayaa sheegay in uu go’aankaas gaaray ka dib markii labo marqaati ah ay bixiyeen sida uuyiri caddeymo cad oo lagu qanci karo oo sheegaya in ninkaasi aanu wax dambi ah laheyn.

Isagoo la arkayo ayuu soo dhaqaaqay markii xukunka lagu dhawaaqayhalka taageeryaashiis ay bilaabeen in ay soo dhaweeaan iyagoo faraxsan.

Sanadkii hore xeer ilaaliyaha Kim Gardner ayaa keenay mooshinuu ku raadinayo in ninkan la sii daayoka dib markii uu sameeyey baaris ay wada sameeyeen urur dhinaca sharciga qaabilsan .

Laakiin mar walba waxaa la lahaa ninkan waa dambiile mar walbana waxa la doonayey in uu xabsiga ku dhinto sida uu sheegay qaryaqaqaankii u doodayey .

Marcos Boyd ayey toogteen gurigga Johnson hortiisa labo nin oo wejiga soo xirtaybishii Oktoobar 1994 tii .

Iadoo duha laga saaray Johnsonoo marar badan ku celcelinayey in aanu joogin guriga markii weerarku dhacay .Ninkan ayaa ayaa xornimadiisa helay markii qof marqaati ah uu mar kale ku celiyey marqaatigiisaqof xabsiga kula jirayna uu qirtay in uu isagu toogtay Masoniasaga oo uu la jiro mid kale