NISA oo gacanta ku dhigtay rag waday qaraxyo

NISA oo gacanta ku dhigtay rag waday qaraxyo

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda NISA, ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA, oo soo saartay warsaxaafadeed, ayaa sheegtay in gacanta ay ku dhigeen labo nin oo katirsan kooxda Al-Shabaab, oo falal amniga lidi ku ah, ka geysanayay Muqdisho.

Sidoo kale NISA ayaa intaasi sii raacisay in raggan lasoo qabtay iyagoo gacanta kula jiray diyaarinta qarax, xilliga ay soo qabanayeen xubnahan.

“Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada Dhagar-qabe ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay ka go’antahay inay sii xoojinayaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada ka socda Muqdisho.

“Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri mar kale warsaxaafadeedka.

Bishan, ayaa aad loo kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Si kastaba hasa yeeshee kooxda Al-Shabaab, ayaa inta badan ka geeysata guda caasimadda Muqdisho, dilal qaraxyo iyadoo ugu danbeeyay weerarkii bishan, Ramadan ee hoteelka SYL, kaas oo qaatay 15 saacadood ka badan in lasoo afjaro.