Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in isbedel ay ku samayso saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed si loo dar dar galiyo amniga guud ahaan dalka.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka fakaraya in uu dib u soo celiyo xubno hore ugu tirsanaa ciidanka xoogga dalka hase ahaatee meesha ay ka baxeen markii uu xilka uu wareejiyay madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xasan Sheekh Maxamuud xubnaha uu ka fakarayo waxaa ka mid ah Taliyahii Ciidanka Xogga Dalka Somaaliya Gen. Odawa Yusuf Rage oo iska xilka laga qaaday.
Gen. Odawa Yusuf Rage ayaa dhankiisa la sheegay inuu iska diiday in markale hogggaanka u qabto ciidanka xooga dalka sida ay sheegayaan xogaha laga helay xafiiska Madaxwaynaha .
Sababaha ugu wayn ayaa lagu sheegay inay tahay isaga oo Odawaa sheegayo inuusan doonaynin in markale wada shaqayn dhaxmarta isaga iyo Wasiirka difaaca Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ).
Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya iyo Gen. Odawa Yusuf Rage ayaa marar badan la sheegay inuu soo kala dhaxgalay muran iyo kala shaki ku saabsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Lama oga ayaa la leeyahay sida Gen. Odawa Yusuf Rage u aqbali doono damaca Xasan Sheekh ee ah inuu ka fakarayo in markale loo dhiibo hoggaanka ciidanka xoogga dalka.
Leave a Reply