Putin oo soo dhoweyn weyn loogu sameeyay Vietnam

Putin oo soo dhoweyn weyn loogu sameeyay Vietnam

Hoggaamiyeyaasha Xisbiga Hantiwadaagga ee dalka Vietnam, ayaa roog cas kusoo dhoweeyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Kooxda baambeyda milatariga ayaa muusig tumay isagoo gacan qaadayay martisharafta xafladda oo ka dhacday caasimadda, Hanoi.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa booqasho qaran ku jooga Vietnam halkaasoo hoggaamiyahan la go’doomiyay uu u sheegay dhiggiisa Vietnam, Lam, inuu daneynayo inay iska kaashadaan tamarta iyo ammaanka.

Sidoo kale Saraakiisha xisbiga hantiwadaagga ayaa madaxweyne Vladimir Putin, kusoo dhoweeyay xaflad militari.

Intii ay socdeen wada hadallada uu la yeeshay Madaxweyne To, Mr Putin ayaa sheegay in labada dal ay lahaayeen taariikh wada shaqeyn oo dhanka tamarta iyo gaaska dabiiciga ah.

“Hambalyo saaxiibkeena taageerada baaxadda leh ee uu helay doorashadii madaxtinimo ee dhawaan dhacday, taas oo hoosta ka xariiqday kalsoonida shacabka Ruushka,” Madaxweyne Lam ayaa yiri ka dib markii Mr Putin loo sameeyay rooga cas.