Shirka guddiga istiraatijiyadda ciidanka xooga dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee la xiriira horumarinta, dib-u-dhiska iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta heerka fulinta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka, iyadoo xubnaha guddigu ay soo bandhigeen warbixinno iyo aragtiyo ku saabsan xoojinta awoodda difaaca, kor u qaadidda tayada ciidanka iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-dhiska hay’adaha difaaca qaranka.

Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshayaal istiraatiijiyadeed oo lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dhiso ciidan qaran oo xirfad leh, casri ah, isla markaana awood u leh gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah ee difaaca madax-bannaanida, ilaalinta wadajirka dhuleed iyo sugidda amniga qaranka.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ku boorriyay guddiga inay sii dardargeliyaan shaqadooda, si loo xaqiijiyo himilooyinka mudnaanta u leh dhismaha, casriyeynta iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee Ciidanka, taliyeyaal hore oo ay ka mid yihiin Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow, iyo saraakiil sare oo xubno ka ah guddiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.