Qaraxyo iyo duqeyn ka dhacday saddex Isbitaal oo Qasa ku yaalla

Qaraxyo iyo duqeyn ka dhacday saddex Isbitaal oo Qasa ku yaalla

Gaza (Raxanreeb) — Dhowrkii saac ee ugu dambeeyay waxaa soo baxay warar sheegaya in qaraxyo laga maqlay meel u dhow dhowr isbitaal oo ku yaal Qasa. Ma cadda waxyeelada ay geysteen qaraxyadaas dhawaan dhaca ah.

Meelaha qaraxyada laga maqlay waxaa ka mid ah isbitaalka Al-Shifa oo kan ugu weyn magaalada Qasa, sidoo kale labo isbitaal oo kale oo lagu kala magacaabo Al-Quds iyo isbitaalka Induniisiya.

Warkaas waxaa baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters iyada oo soo xiganeysa warbaahinta gudaha ee Falastiin.

Kooxda Xamaas waxay Telegram ku faafisay muuqaal ay ku sheegeen inay yihiin duqeymo ay ciidamada Israel ka geysteen meel u dhow Isbitaalka Al-Quds.

Waxay sidoo kale Xamaas faafisay sawiro muujinaya burburka soo gaaray dhismeyaal ku yaal meel ka dambeysa isbitaalka Kuweyd.

BBC uma xaqiiqjin karto muuqaalada iyo sawirada si madaxbanaan xilligan. Laakiin xiriir aan la sameynay ciidamada Israel waxay sheegeen inay hubinayaan inay duqeymo ka geysteen goobahaas u dhow isbitaalada.