Qiimaha Shidaalka Muqdisho oo markale kor u kacay

Muqdisho (Raxanreeb Online) Qiimaha shidaalka ee lagu iibiyo magaalada Muqdisho ayaa sare u kacay qiyaastii 15% muddo toddobaad ah, sida ay xaqiijiyeen darawalada gadiidka.

Kororka qiimaha ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda amni iyo dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay saameyn ku yeelanayaan suuqyada shidaalka iyo gaadiidka caalamka.

Ganacsatada shidaalka ayaa sheegay in qiimaha gudaha uu si dhow ula socdo isbeddellada ka dhaca suuqyada caalamka, iyadoo xaalad kasta oo dagaal ama xiisad cusub ay keeni karto koror ku yimaada kharashka shidaalka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qiimaha shidaalka uu noqday mid si degdeg ah uga falceliya xaaladda Bariga Dhexe, iyadoo mararka qaar lacag dheeraad ah lagu daro qiimaha marka ay soo baxaan wararka ku saabsan dagaallo ama xiisado cusub.

Kororka shidaalka ayaa walaac ku haya bulshada, maadaama isbeddelka qiimaha shidaalku uu si toos ah ama dadban u saameyn karo qiimaha gaadiidka, badeecadaha iyo adeegyada kale ee ku tiirsan shidaalka.

Khabiirada dhaqaalaha ayaa muddo dheer tilmaamay in Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay shidaalka dibadda laga keeno, taasina ay suuqa gudaha ka dhigto mid u nugul isbeddellada ku yimaada qiimaha shidaalka ee caalamka iyo kharashaadka gaadiidka.

Sikastaba, xiisadaha Bariga Dhexe ay sii socdaan ama ay ka sii daraan, waxaa jirta cabsi laga qabo in qiimaha shidaalka ee Muqdisho uu mar kale kor u kaco, taasoo sii kordhin karta culayska dhaqaale ee saaran shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.