QM oo cambaareysay weerar Al-Shabaab ku dileen shaqaalaheeda

QM oo cambaareysay weerar Al-Shabaab ku dileen shaqaalaheeda

Muqdisho (Raxanreeb) — Xafiiska Qaramada Midoobay, ee Soomaaliya, ayaa cabaareeyay werar hoobiyaal oo xalay lagu qaaday gudaha xalane, kaas oo uu ku geeeiyooday mid ka mid ah, ilaalada Qaramada Midoobe.

Warsaxaafadeed, kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in xalay tiro madaafiic hoobiyeyaal lagu garaacay gudaha Eelaboorka Aadan Cadde, oo uu ku dhexyaallo xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay, waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay, ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya,”.

“Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag” ayay tiri Ergayga gargaarka ee xoghayaha guud ee QM Catriona Laing.

Sidoo kale Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqday dadka geeystay weerarkan ee mas’uulka ka ah, in la horkeeno si deg deg ah, caddaaladda.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay weli ka taageereyso Shacabka Soomaaliyeed, iyo dowladda Soomaaliya, dedaallada lagu dhisayo Nabadda iyo Xasiloonnida Dalka Soomaaliya,

Muqdisho, ayaa kusoo badanaya maalmahaan weerarada hoobiyeyaalka ah, kuwaas oo inta badan aan loo meel dayin, oo intooda badan waxyeello ba’an u geeysta shacabka Soomaaliyeed.