QM oo sheegtay Soomaaliya in qarka u saarantahay inay kadhacdo macluul daran

Muqdisho (Raxanreeb) — Hal qof oo ilmo yar ah ayaa daqiiqad kasta la seexiyaa isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada Soomaaliya, halkaas oo abaar ba’an ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda UNICEF Talaadadii shalay.

James Elder oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen inka badan 250,000 oo qof.

Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag.

Meelo badan oo kamid ah Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar daran, taas oo saameysay dad iyo duunyo, boqolaal Ruuxna ay ka barakaceen.

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ayaa ka gaabiyay waxka qabashada abaarta, iyaga oo kaga mashquulay arrimo kale, waxaana xilligaan isa soo taraya digniinaha ka imaanata Hay’adaha Caalamiga ah ee la xiriirta xaalad macluul ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.