QM: Walxaha qarxa waxay Soomaaliya ku dileen 1200 qof sanadkii tegay

QM: Walxaha qarxa waxay Soomaaliya ku dileen 1200 qof sanadkii tegay

Muqdisho (Raxanreeb) — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sannadkii 2022-ka walxaha qarxa sababeen dhimashada 1200 qof oo Soomaali ah.

Hadalkan ayaa soo baxay iyadoo maanta dunida laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Wax-ka-qabashada Miinooyinka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka go’antahay inay Soomaaliya ka taageerto dadaallada looga cirib-tirayo khataraha haraadiga walxaha qarxa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Soomaaliya ee ururkaasi.

“Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed kala kulmaan khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa waxay ku kacaysaa qiimo aad u sarreeya oo aan la xamili karin,” ayey tiri Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Maalintan Caalamiga ah awgeed, waxaan si gaar ah u qiraynaa geesinimada iyo heellanaanta hawl-wadeenada ka shaqeeya miino-saarista iyo sida ay uga go’an tahay abuurista jawi ammaan ah oo bed-qaba oo ay helaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayay raacisay Anita Kiki Gbeho.