Ehalada  Cabdullaahi Dheere oo markale kulan cabasha ah Muqdisho ku qabtay

Ehalada  Cabdullaahi Dheere oo markale kulan cabasha ah Muqdisho ku qabtay

Muqdisho (Raxanreeb ) Ehalada Taliyihii Hoggaanka daba- galka  Hay’ adda NISA ayaa maanta markale Muqdisho ku qabtay Kulan cabasho oo ay dowladda fariin ugu dirayeen.

Eheladaan ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin oo ay  cambaraynayaa xariga ehelada Cabdullaahi dheere loo gaystay , iyaga oo cod dheer ku dalbaday in la sii daayo dadka xiran cod koodana la tixgeliyo

 Cali Axmed oo ka mid ah nabadoonada beelaha direed iyo mid ka mid ah ehelada ayaa dalbaday in xuriyadiisa la siiyo Maxamed Axmed Jaamac oo muddo xiran iyo sidoo kale in ay xuriyadooda la siiyo ehelada Cabdullaahi Dheere taliyihii dabagalka hoggaanka NISA.

Dhawaan ayaa la sheegay in weerar lagu qaaday Hoyga Muqdisho uu ka deganaa Taliyihii daba galka NISA Cabdulaahi dheere oo dalka dibadiisa ku maqan sida ehelada taliyaha ay sheegeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.