Qoys ka kooban 10 qof oo aano – qabiil loogu laayay Sh. Dhexe.

Warsheekh  ( Raxanreeb ) Qoys ka koobnaa gabar, wiil 10 sano jir ah, iyo ayeeydeed ayaa aano qabiil loogu dilay deegaan hoosyimaada dagmada Warshiiq ee gobolka Shabelaha Dhexe.

Qoyska  dil wadareedka loogu geystay
Tuulada Xaluule ee degmada Warshiikh waxa ka mid ahayd gabar  lagu magacaabi jiray Safiya Sheekh Abuukarow oo baraha bulshada sawirkeeda aad looga hadal hayo.

Maaamulka  Hirshabeelle ayaa ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin dilka loo gaystay qoyskaas ka koobnaa 10- ka qof.

Maalmo ka hor gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Cadale waxaa odayaasha dhaqanka gobolka ay ku saxiixeen baaq loogu magac daray Cadale kaas oo u jeedkiisu ahaa soo afjarida colaada ka taagan gobolkaas.

Waxaa goobjoog ka ahaa heshiiskaas iyo baaqaas nabadeed Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.