“Raalli kama nihin in muddo kororsi loo sameeyo” madaxweyne Cabdicasiis Xasan (Laftagareen)

Baydhabo (Raxanreeb) — Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa walaac ka muujiyay muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo muddo xileedkiisu ay ka harsantahay maalmo kooban.

Xildhibaanada maamulkaas, ayaa sanado ka hor muddo kordhin u sameeyay madaxweynaha, si la isku waafajiyo doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha, ha yeeshee xildhibaanada qaarkood ayaa ku doodaya in arrintaas aysan sharciga waafaqsanayn.

Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah xildhibaanada doonaya in la qabto doorashada madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay in war saxaafadeedka ay soo saareen ay uu xambaarsan yahay walaaca siyaasadeed iyo midd doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed.

“Warqadda aanu soo saarneyn waxay xambaarsan tahay walaaca xaaladda siyaasadeed iyo midd doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed oo wakhtigan xaadirka ah aad u kacsan maadama Madaxweynaha xilka kasii degayo uu muddo xileedkiisa maalmo yar uga harsan yihiin”.

Wuxuu ku baaqay in doorashada xilligeedii lagu qabto isla markaana aysan raalli ka heyn wax muddo kororsi ah.

“Waxaan ku baaqeynaa in doorashada ay xilliggeedii dhacdo wax ku darsi ah aanu raalli ka aheyn ” ayuu yiri xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.