Soomaalida iyo muwaadiniin dalal kale oo laga mamnuucay in ay galaan Liibiya

Liibiya ( Raxanreeb Online) Dawladda saldhiggeedu yahay bariga dalka Liibiya ayaa soo saartay amar cusub oo mamnuucaya muwaadiniinta Soomaaliya, Suudaan, Eritrea, iyo Itoobiya inay galaan dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warbixin ay Reuters ka soo xigatay ilo dowladeed ayaa lagu sheegay in go’aankan looga gol leeyahay “in lagu xakameeyo gelitaanka ajaanibta ee Libya.

Amarka ay soo saartay dowladda Libya ee fadhigeedu yahay magaalada Benghazi, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka, ayaa sheegay in “muwaadiniinta Soomaaliya, Suudaan, Eritrea, iyo Itoobiya laga mamnuucay inay soo galaan dhulka Libya iyagoo adeegsanaya dhammaan marinnada berriga, badda iyo hawada.”

Si kastaba ha ahaatee, amarku wuxuu ka reebayaa xubnaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha iyo qoysaskooda, sidoo kale shaqaalaha ka shaqeeya waxbarashada iyo caafimaadka, haddii ay soo bandhigaan heshiis shaqo iyo rukhsad sharci ah oo ay bixiyeen hay’adaha ay khusayso.

Afarta dal ee Geeska Afrika ee lagu xusay amarkan mamnuucidda ayaa ah meelaha ay ka soo jeedaan boqollaal kun oo qof oo ka qaxaya dalalkooda sababo la xiriira xasillooni-darro siyaasadeed iyo amni, dagaallo, cadaadis iyo saboolnimo dhaqaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.