Ra’isulwasaare Xamsa oo sheegay in uu ‘ku dhex caajisay’ shir uu qabtay G/ Banaadir

Ra’isulwasaare Xamsa oo sheegay in uu ‘ku dhex caajisay’ shir uu qabtay G/ Banaadir

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’isulwasaare Xamsa Cabdi Barre, oo maanta ka qeyb galayay kulan uu qabtay maamulka gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlayay isbaddelka ee magaalada Muqdisho.

Xamsa Barre, oo khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in uu ku dhex caajisay shirkan isagoo sheegay in la badiyay khudbadaha ka qeeyb galayaasha kulankan.

Sidoo kale Xama ayaa sheegay in aysan jirin heesho madadaalo buraanbur iyo shirib toona looga daarin halkaasi taasoo loo shido kulamada iyo xafladaha madaxda.

“Marka meesha fadhinay wax xoogaa waan is xansanay Guddoomiye Yuusuf waxaan ku iri meeshu hadalkiibaa batay qof uunbaa tegaya, qofna wuu soo fuulayaa bir qalax la tumayana ma jirto, hees maleh, gabay ma leh, buraanbur maleh, shirib maleh waa sidee?” ayuu yiri Xamsa Barre.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guddoomiyuhu ku jawaabay in uu goobta joogay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta uuna ka xishooday inuu shido waxaasi.

“Marka waxa uu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa nala joogo xoogaa waa ka xishoonay, laakiin arrintaas Sheekh Mukhtaar wuu diiday ma jirto ayuu yiri” ayuu kuu sii daray Xamsa Barre.

“Dadka wax xoogaa inay is kululeeyaan oo la heeso oo wax la sheego oo si kale wax naloogu sheego oo hadalka keliya aan ahayn waa muhiim” ayuu yiri mar kale.

Sidoo kale Xamsa wuxuu bogaadiyay ciidamada amniga iyo saraakiishooda oo amniga caasimada wax badan ka baddelay sidii hore.

Muqdisho ayaa soo hagaagayay amnigeeda muddooyinkii danbe walow ay jiraan mararka qaar falal amniga lidi ku ah kuwaas oo ka dhaca caasimada Muqdisho.

Inkastoo shalay magaalada Muqdisho, ee gobolka Banaadir lagu dilay xildhibaan hore, oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Ibraahim Deyfuallah, oo ka mid ahaa baarlamaankii 9-aad ee dalka kaas oo dabley ku hubeysan bastoolado ku dileen xilli uu kasoo baxay Masjid salaadda casir kaddib degmada Wadjir, iyagoona isaga baxsaday dilka kaddib dableyda goobtaasi.