Muwaadin Mareykan ah oo u socday inuu ku biiro Al-Shabaab oo la qabtay

Muwaadin Mareykan ah oo u socday inuu ku biiro Al-Shabaab oo la qabtay

Lawrenceville (Raxanreeb) — Muwaadin Mareykan ah oo ku nool Masar ayaa isku dayey inuu ku biiro ururka argagixisada ee Al-Shabaab, islamarkaana uu jihaad ku qaado Mareykanka iyo xulufadiisa kadib weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel 7-dii October, waxaa sidaas Jimcihii sheegay dacwad-oogayaasha Federaalka.

Karrerem Nasr, oo 23 jir ah, kana soo jeeda magaalada Lawrenceville ee gobolka New Jersey, ayaa la xiray 14-kii December kadib markii uu kasoo duulay Masar oo uu yimid Nairobi, Kenya, halkaasi oo dacwad-oogayaasha ay sheegeen inuu qorsheynayey inuu kula kulmo xubno Al-Shabaab ah kahor inta aanu u safrin inuu kusoo tababarto Soomaaliya.

Nasr ayaa lagu soo celiyay Mareykanka Khamiistii, ayada oo la qorsheeyey inuu kasoo hor muuqdo maxkamad Federaal oo ku taalla Manhattan Jimcihii shalay.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu isku dayay in uu taageero agab siiyo urur ajnabi ah oo loo aqoonsaday argagixiso. Hadii lagu helo dambiga lagu soo oogay waxa uu muteysan karaa illaa 20 sano oo xarig ah.

Diiwaanada maxkamada ma aysan xusin wax qareen ah oo ku hadli kara magaca Nasr.

Nasr, oo sidoo kale loo yaqaan Ghareeb Al-Muhajir, ayaa ku muujiyay rabitaankiisa ku biirista Al-Shabaab qoraallo uu soo dhigay online-ka iyo xiriir uu la sameeyey qof si sir ah ula shaqeeya FBI-da oo lacag la siiyey, kaasi oo isu ekeysiiyay fududeeye ka tirsan ururada argagixisada, sida ay sheegtay dacwad dambiyeedka la shaaciyey Jimcihii.

Nasr ayaa ku yiri jaajuuska sida hoose ula shaqeynayey FBI-da “Cadowga koowaad waa America,” oo uu ku qeexay “Madaxa maska,” sida ku xusan dacwadda.

Waxa uu barta X kusoo qoray “jihaad ayaa kusoo wajahan meel ka tirsan America oo kuu dhow,” ayaa lagu yiri gal dacwadeedka. Qoraalka oo uu ku adeegsada magaca “Masriga Muslimka ah” ayaa waxaa la socday diyaarad, bam iyo holac.

Nasr, oo bishii July u guuray Masar, ayaa xiriirkiisa qofka la shaqeynayey FBI-da billaabay November, sida gal dacwadeedka lagu xusay.

Waxa uu jaajuuska u sheegay inuu ka fakarayey inuu jihaad qaado “muddo fog” hase yeeshee “inuu awoodi waayey inuu sidaas sameeyo” kahor inta aysan Xamaas weerarin Israel, ayaa lagu yiri dacwadda.

“Kadib weeraradii October 7, waxaan dareemay inay wax isbeddeleen,” ayuu Nasr u sheegay jaajuuska, sida ku xusan dacwadda. “Waxaan ula jeedaa dhanka wanaagsan. Waxaan dareemay in qabkii iyo sharaftii ay usoo laabteen muslimiinta.”

Mareykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso 2008.

AP/VOA