Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sacdiyo Macalin Cali ( Sacdiyo Bajaaj), oo weli ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa wajaheysa xaalado culus oo ay kala kulantay Xabsiga.
Warbaahinta Raxanreeb, ayaa weydiisay su’aal ku saabsan waxa ay uga jawaabeyso in lagu soo eedeeyey kicin dadweyne ?
Sacdiyo Bajaaj, ayaa sheegtay in aysan weli aamisaneen kicinta bulsho ee lagu soo eedeeyey, waxa ay tilmaamtay in ilaa iyo hadda aan laheynin habo yaraate laba qof oo wax ay sheegtay ama dad kacay oo banaanbax sameeyey, sida ay hadalka u dhigtay.
“Marka waxaan ahaa qof xuquuqdeedii weysay oo soo jeedisay side ayaan xuquuqdeeda ku heli karaa, ilaa iyo hadda ma jirto wax Xeer ilaalinta igu soo eedeeyn oo dambi aan galay oo sax ah haba yaraatee. Mana aaminsani runtii in aan dambi galay” ayey tiri Sacdiyo Bajaaj.
Sidoo kale Sacdiyo waxa ay xustay in kicin dadweyne la dhihi karo in 10 qof iyo ka badan in aad hoggaamisid oo ay sameyaan banaanbax, la arki karo dhibka ka dhashay intaasna aan la heynin.
Raxanreeb ayaa weydiisay, Maxey tahay waxa kaligaa loogugu heysto, maadama lasii daayay dhallinyaradii kale ee Bajaajleyda ee lagula xiray ?
Sacdiyo Bajaaj ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda ay is weydiineyso su’aashaas, waxa kaligeed lagu heysto oo xabiga dhexe loo geeyey maxkamad-na lagu saarayo. Waxa ay carabka ku dhuftay Sacdiyo in xarigeeda ay aamisan tahay inay ka dambeyaan dad xilal ka haya dowladda, ayna u xiran tahay sida ay la tahay arrimo siyaasadeed.

Leave a Reply