Maamulka Puntland oo mamnuucday dadka xilalka ka haya dowladda Federaalka

Maamulka Puntland oo mamnuucday dadka xilalka ka haya dowladda Federaalka

Garoowe (Raxanreeb Online) Wasaaradda amniga ee maamulka Puntland ayaa soo saartay amar culus oo ku socda shaqsiyaadka xilalka kala duwan ka haya dowladda federaalka Soomaaliya in ay tagi karin deegaannada Puntland.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu sheegay in xuduudaha iyo garoomada Puntland, aysan soo geli karin dadka magacaaban ee darajooyinka iyo xilalka ka haya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Puntland waxay mamnuucday in ciidamo maleeshiyaad ah laga dhex qorto deegaannadeeda iyo in tikniko ay wataan maleeshiyaad sharci darro ah wax dhaqdhaqaaq iyo isu socod ah ka sameeyaan deegaannadeeda.

Waxa kale oo maamulka Puntland mamnuucday shirarka lagu waxyeelaynayo jiritaankeeda, iyada oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso ciddi isku dayda arrintaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.