Saciid Ciise: “Dowladda hoose ee Xamar ha joojiso Qandaraasyada ay ku naajiso qowleysatada”.

Saciid Ciise: “Dowladda hoose ee Xamar ha joojiso Qandaraasyada ay ku naajiso qowleysatada”.

Muqdisho (Raxanreeb )-Dadka qaar ayaa heerarka kala duwan ee dowladda uga raadsada naasnuujin xaarana oo ay dadka dulsaar ugu dul noolaadaan, waxeyna noloshooda ku tiiriyaan iney noqdaan dowlad ku nool aysan la’aanteed noolaan karin, meesha dadka intiisa badan ay sameystaan meherado ay ku kasbadaan nolol xalaala oo ay ku soo saartaan nolol maalmeedkooda, waxeyna dadkaas dowlad ku noolka ah ay soo deydaydaan meelo ay qandraasyo xaaraana dowladda uga qaataan oo ay dadka noloshooda dulsaar ugu noqdaan.

Hubinta baarista caafimaadka badeecadaha lagu iibinayo dukaamada iyo maqaayadaha waa ineysan noqon ganacsi ay shirkado gaara ay qandraas uga soo qaataan dowladaha hoose ee Xamar, dabadeedna ay shirkadahaas u adeegsadaan awood ay ku baadaan suuqyada oo ay ku caburiyaan ganacsatada, iyagoo isugu daraya handadaad iyo xarig ay baad sharciyeysan uga qaataan dukaamada iyo maqaayadaha ay ganacsatadu sida xalaasha ah ugu nool yihiin, ugana helaan maciishada nolosha qoysaskooda.

Waxaa isi soo taraya si xun u adeegsiga nidaamka ay dowladda hoose ee Xamar u maareyso hawlaheeda la xiriira waaxda canshuuraha guryaha, gaadiidka, iyo qaadista qashinka oo dhamaantood ay shacabku ka muujiyaan dareen dhiilo xambaarsan oo aan maslaxada dowladda hoose iyo mida dadka ku nool Xamar aysan midna ku qabin wanaag dowladeed iyo mid shacab, taas oo adeegyadooda ka dhigtay mid ku saleysan qandaraasyo naasnuujin loogu sameynayo qowleysato ku adeeganaya laaluush qaadasho ay dadka noloshooda ku caburinayaan.

Waxaana shirkadahaas jidadka lacagta baada ah dadweynaha uga qaata hadda ku soo biiray xeer beegsiga caafimaadka badeecadaha oo qandaraas lagu soo siiyey sharkado kale oo lagu naasnuujinayo caburinta ganacsatada iyo xoriyadda suuqa, kuwaas oo ganacsi ka dhigtay adeegyada dowladda hoose ee Xamar looga baahnaa iney ku hubiso badqabka badeecadaha ay dadku ka iibsadaan dukaamada iyo maqaayadaha oo ah inuu noqdo adeeg lacag la’aana oo qarashkiisa horay loogu geliyey lacagta sanad laha ah oo ay ganacsatadu ku bixiyaan shatiyada ganacsigooda.

Waxaa la yaab leh degmooyinka Xamar ku yaala xaruumahooda oo intooda badan jidadka soo gala ay jajaban yihiin, haddana ay u dheer yihiin qashin iyo bulaacado aan caafimaaddaradooda la ag degenaan karin iney haddana iska warqab la’aantooda ay ku dhiiradaan iney baarayaan fayo-dhowrka badeecadaha ganacsiga dukaamada iyo maqaayadaha deegaanadooda ku yaal, iyagoo awood qasaba danahooda ugu fulinaya shirkadaha laaluush-qaadashada qandaraaska uga soo qaatay dowladda hoose ee Xamar.

Xeer-beegisaga ay dowladda hoose ku baareyso badeecadaha dadka looga iibinayo dukaamada iyo maqaayadaha waa waajib daruuri u ah badqabka amniga caafimaadka dadweynaha oo adeegiisa aan loogu baahneyn in qab laaluush-qaadasho ah loogu adeego, maxaa yeelay ujeedadiisa ugu muhiimsan ayaa ah adeeg dowladeed oo dadka si lacag la’aana loogu fulinayo si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada iyo amniga lagu qabi karo tayada caafimaadka badeecadaha ay dadku ka iibsanayaan dukaamada iyo maqaayadaha.

Baarista saxda ah ee hubinta caafimaadka ayaa waxey waajib ku tahay iney sameeyaan sarakiil u tababaran caafimaadka badeecadaha, kuwaas oo ah iney aqoon ku hubiyaan in dukaamada iyo maqaayadaha ay leeyihiin shatiyada ay ugu ganacsanayaan badeecadaha ay iibinayaan, isla markaasna ay baaris caafimaad ku hubiyaan in dukaamada iyo maqaayadaha ay u hogaansameen habraaca caafimaad oo ay xeerarka dowladda hoose u dejisey iney si habsami leh u raacaan meelmarintooda.

Habraacaas oo tilmaamaya habsamida loo raacayo badqabka cunooyinka ay dadku cunaan, kuwaas oo fariimahooda loo marayo in diyaarintooda lagu hubiyo nadaafadooda iyo in lagu ilaaliyo habsami u shaqeynta agabyada loo adeegsanayo daryeelida keydintooda oo ah iney ka badbaadiyaan waxyeelada uga iman karta kulka iyo uumiga, waxaana sidaas looga jeedaa in looga hortago waxyaabaha hoos u dhigaya tayada cuntada nafaqadooda iyo faafida cudurada ka dhasha nadaafadxumada diyaarinta cuntada, qalabka, iyo keydintooda.

Waxaa waajib ku ah saraakiisha caafimaadka dowladda hoose iney si joogto ah dhowrkii biloodba hal mar ay u baaraan dukaamada iyo maqaayadaha si marka ay kala kulmaan qaarkood daryeelxumo caafimaad ay fursad uga dhigaan ganacsatada iney u fidiyaan wacyi gelin lagu baraarujinayo kor u qaadida aqoontooda caafimaad oo looga saxayo ciladaha caafimaad ee ka jira goobahooda ganacsi, iyagoo aan waxyeelo u geysan habsami u socodka ganacsigooda, haddana isla markaas aan u geysan hanjabaad ay ku dalbanayaan xeelado ay ku qaadanayaan laaluushyo.

Waxey waaxda caafimaadka dowladda hoose ay u taagan tahay in dadweynaha ku nool magaalada Xamar ay kalsooni ku qabaan cuntada ay ka soo iibsanayaan dukaamada ama ay ka cunayaan maqaayadaha oo tayadooda iyo amnigooda ay si buuxda u hubiso, iyadoo sidaas loogu xaqiijinayo dadweynaha in saraakiisha ka hawlgasha caafimaadka ay si joogto ah ula socdaan in goobaha gancsiga ay heerka looga baahan yahay u raacaan xeerarka lagu ilaalinayo badeecadaha ay dadku raashin ahaanta u cunaan.

Marka ay dhacdo in si isdaba jooga ay ganacsiyada qaar ka mida ay ku xadgudbaan dhowrista heerka nadaafadeed iyo badqabka badeecadahooda ayaa waxaa looga baahan yahay saraakiisha caafimaadka iney ganacsatadaas siiso qoraalo digniina iyo waanooyin ay ku saxayaan qaladaadkooda caafimaad ee ka jira goobahooda ganacsiga, intaas kadib marka ay dhacdo in fariimahooda wax laga qaban waayo ayey dowladda hoose waxey qaadi kartaa ganaaxyo lacageed iyo kuwo lagu xirayo goobaha ganacsiga inta ay ganacsatadu kala imanayaan dhaqangelinta habraaca u degsan badqabka badeecadahooda.

Fayadhowrka lagu baarayo amniga caafimaadka cuntooyinka waa door muhiim ah oo ay kaalinteeda buuxiso saraakiisha waaxda caafimaadka dowladda hoose, balse laga digayo inaysan noqon mid awoodeeda loo adeegsado caburinta xoriyada ganacsiga dukaamada iyo maqaayadaha oo ah ganacsiga ugu xoogga badan oo ay dadweynuhu ku tiirsan yihiin adeegyadooda iyo weliba iney tahay shaqo abuur ay dad badan ka helaan nolol maalmeedkooda oo ay maciishada noloshooda kala soo baxaan.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)

Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada dadka

Saciidciise258@aol.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.