Sarkaal Dowladda oo loo xukumay ka tirsanaan Al- Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb ) Macalin Tababar oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalla siyaad ee militaryga Soomaaliya ayaa loo xukumay la shaqaynta Alshabaab.

Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Tan iyo 22 kii January Sanadkan ayay socotay habraaciisa Maxkamadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.