Shimbiro sababi lahaa shil diyaaradeed

Havana (Raxanreeb) — Diyaarad ku sii jeeday dhinaca Koofur Galbeed ee dalka Mareykanka ayey khasab ku noqtay in ay si degdeg ah ku degto ka dib markii shimbiro ay ku dhaceen mid ka mid ah matoorrada diyaaradda.

Diyaardda ayaa ka soo duushay Havana kuna si jeedday Florida waxaana ka buuxsamay qiiq ka dib isku dhaca wax yar ka dib markii ay kacday maalinnimadii shalay subaxnnimadii.

Ma jirin cid wax ku noqotay shilkaasi iyadoo labada duuliye ay diyaaradda dib ugu celiyeen Havana halkaa oo dadkii la socday laga dejiyey.

Dadka diyaaradda saarnaa ayaa argagaxay carruurtuna wey ooyayayeen markii diyaarddii oo dhan uu gudaha qiiq u soo galay.

“Dadkii wey neefsan waayeen “ ayuu yiri mid ka mid ah rakaabka.

Diyaaradda nooceedu ahaa Boeing 737 ayey saarnaayeen 147 qof oo rakaab ah iyo lix shaqaale ah.

Shirkadda ayaa ka cudurdaaratay dhibaatadaas dhacday waxayna sheegeen in mararka qaar ay sidaas shimbiruhu Qatar u galiyaan diyaaradaha rakaabka.