Sacuudiga oo Bashaar Al-Asad ku casuumaya shir-madaxeedka Carabta

Sacuudiga oo Bashaar Al-Asad ku casuumaya shir-madaxeedka Carabta

Riyad (Raxanreeb) — Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay ku casuunto madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee Riyadh martigelineyso bisha May, sida ay sheegeen ilo la socda qorshaha boqortooyada, iyada oo tallaabadaasi si rasmi ah u soo afjari doonto go’doominta gobolka ee Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Amiir Faysal Bin Farhan ayaa u safri doona magaalada Dimishiq toddobaadyada soo socda si uu Assad ugu wareejiyo martiqaad rasmi ah oo uu kaga qayb galayo shir madaxeedka la qorsheeyay 19-ka May, sida ay sheegeen laba ka mid ah ilo-wareedyadu.

Xafiiska isgaarsiinta ee dowladda Sacuudiga iyo wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada dal kama aysan jawaabin codsiyada inay faah-faahin dheeri ah ka bixiyaan.

Gamal Roshdy, oo ah afhayeenka xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa sheegay in ururku uusan ahayn mid qarsoodi ah tallaabo kasta oo ku saabsan heerka laba geesoodka ah ee u dhexeeya dalalka Carabta.

“Ma ahayn in nalagu soo wargeliyo booqashada la filayo,” ayuu raaciyay.

Ka qayb galka Assad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa noqonaysa horumarkii ugu muhiimsanaa ee uu ku sameeyay dib ugu soo noqoshada dalalka Carabta tan iyo 2011, markii Suuriya laga joojiyay ururka.

Assad waxa qaaddacay dawlado badan oo reer galbeed ah iyo kuwa carbeed kadib markii uu si naxariis darro ah ula dagaalamay mudaaharaadyada – rabshado sababay dagaal sokeeye oo daba dheeraada, waxaana kusoo noqoshada Suuriyada ee ururka Jaamacadda Carabta ka tarjumaysaa isbeddelka gobolka ee dagaalka Suuriya.

Reuters VOA