BIIXI ‘’Waa war wanaagsan in ay bilowdaan wada- hadalka Soomaaliya & Somaliland ‘’

BIIXI ‘’Waa war wanaagsan in ay bilowdaan wada- hadalka Soomaaliya & Somaliland ‘’

Hargaysa (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Somaliland ayaa sheegay in talaabo wanaagsan ay – tahay magacaabista Ergayga gaarka ah ee wada- hadalada Somaaliya iyo Somaliland.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in   loo baahan – yahay sii socoshada wada- hadalada labada dhinac si loo sii dhaqaajiyo  shirarkii sii socday.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Cabdikariin Guuleed uu yahay nin wax badan ka fahansan siyaasadda iyo howsha loo xil saaray, maadaama uu horay uga soo shaqeeyay.

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland Waxa uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah maadaama uu Cabdikariin Xuseen Guuleed uu yahay waaya-arag aqoon u leh howsha uu igmaday Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa horyaalla qodobo dhowr ah oo ay lafdhabar u yihiin dib usoo celinta wadahadalka Dowladda Federaalka & Somaliland,

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ergo u xilsaaran wada- hadalada Soomaaliya iyo Somaliland u xilsaaray Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor.

Tan iyo xilligaas waxay masuuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.