Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ka hadashay shilkii diyaaradeed

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay diyaaraddii manta ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Waxay sheegeen inay tacsi u dirayaan ehelada geesiyada geeriyooday iyagoo howlahooda shaqo ku jira iyagoo dhanka kalena caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa uu dhaawaca soo gaaray.

Waxaa kale oo ay intaa ku dareen inay garab taaganyihiin Soomaalida iyo xubnaha Midowga Africa xiligan adag.

Leave a Reply

Your email address will not be published.