Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay howlgalka tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo howlwadeenada sare ee Wasaaradda ayaa maanta kulan la yeeshay koox ka socotay Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), oo uu hoggaaminayay Colonel Riccardo Peretto, Madaxa Kooxda La-taliyeyaasha EUTM-S.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Fiqi wuxuu uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah iyo iskaashiga miro-dhalka leh ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga iyo dib-u-dhiska awoodda hay’adaha amniga dalka. Wuxuu xusay kaalinta muhiimka ah ee EUTM-Somalia ay ku leedahay tababarka iyo tayeynta ciidanka, isla markaana ay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

Kooxda EUTM-S ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey hawlaha ay ka taageeraan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhinacyada kale ee la iska kaashan karo, iyagoo ku salaynaya qorsheyaasha hortabinta u leh Wasaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta EUTM-S ay kusoo beegantay marxalad muhiim ah oo Wasaaraddu ku hawlan tahay dib-u-habeyn ballaaran, si loo helo hay’ad difaac oo ka jawaabta baahida shacabka una shaqeysa si waafaqsan mudnaanta qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.