Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ka jawaabay qoraal ay Somaliland uga hadashay arrinta Taiwan

Muqdisho (Raxanreeb) — Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Fei Shengchao ayaa ka falcelinayay qoraal ay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaawday ee Somaliland ku taageeraysay Taiwan.

Warka Somaliland ayaa sidaan u dhignaa “xuduudaha qaran ee jira ee waddan waa in la ixtiraamo lagana ilaaliyo argagixisada ku soo duusho ama khatar dibadeed, laakiin dhibaatooyinka Shiinaha waxay jabinayaan maqaamkii Taiwan”

Danjiraha ayaa ‘wax lagu qoslo’ ku tilmaamay in xuduud lagu sheego meel aan jirin isaga oo ka jawaabayay warkan ay Somaliland kula safatay Taiwan.

“Waad ku mahadsan tahay taageeradaada. Waa in la ixtiraamaa xuduudaha qaranka. Qoysaska garaadka leh ah xuduud kama samaystaan guriga dhexdiisa.” Ayuu safiirka ku yiri qoraalkiisa.

Somaliland ayaa marar badan garab istaagtay qadiyadda Taiwan taas oo Shiinaha ka caraysiiyay.

Taiwan iyo Somaliland ayaa sidoo kale xirriir diblumaasiyeed horay u samaystay.