MUQDISHO : Koox  ‘’Kufsi ‘’ lagu eedaynayo oo la qabtay

MUQDISHO : Koox  ‘’Kufsi ‘’ lagu eedaynayo oo la qabtay

Muqdisho (Raxanreeb )  Saraakiisha ciidanka  Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen koox la tuhmayo in kufsi ay ka gaysteen magaalada Muqdisho.

Kooxdan ayaa gacanta lagu soo dhigay ka dib howlgal ciidanka Dowladda ay ka fuliyeen degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.

Hadal ka soo baxay Taliska  ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in kooxdan ay ku dhuumaalaysanayeen xaafado ka mid ah degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Talisku waxa uu sheegay in laba qof gacanta ay ku hayaan kuwaas oo gabar Soomaaliyeed  ku kufsadeen degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho , ka dib boodi goob badan  ciidanka booliska ay sameeyeen.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in raggaas la horgeyn doono Cadaalada, isla markaana Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu u taaganyahay Ilaalinta Nabadgalayada Guud.

Dhacdooyinkan ayaa qayb ka ah falalka amni darro ee sida joogta ah ay ula kulmaan dadka ku nool magaalada Muqdisho  taas oo keentay qayla dhaanta ay muujinayaan dadka caasimadda ku nool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.