Samafalayaal Turky – ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho.

Samafalayaal Turky – ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb )-Qarax ayaa  ka dhacay degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho  waxaana qaraxa  lagula eegtay shaqaale  Turki ah.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan in laba  ka mid ah  samafalayaasha ay ku dhinteen oo  u dhasha dalka Turky iyo laba kale oo askari ah .

Tirada dhimashada ayaa ka dhigan ilaa afar qof oo laba ajaaniib ah , sida ay sheegayaan goobjoogayaasha.

Ciidamada ammaanka oo markii dambe soo gaaray goobta qaraxa ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo kuwii kale ee ku dhintay.

Qaraxyada miino ee ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan soo badanayay, qaraxyada qaar ayaana waxyeelo dhimasho iyo mid dhaawac kasoo gaartaa dad shacab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.