Sanbaloolshe oo gaaray Aadan Yabaal & Ujeedka safarkiisa

Sanbaloolshe oo gaaray Aadan Yabaal & Ujeedka safarkiisa

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta gaaray jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si diiraan loogu soo dhaweeyay.

Taliye Sanbaloolshe ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, oo halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen dadka ku dhaqan halkaasi.

Ujeedka rasmiga ah, ee taliyeyaashan ayaa ahaa sidii ay u kormeeri lahaayeen xeryaha ciidamada, una ogaan lahaayeen xaaladda iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira halkaasi.

Sidoo kale waxa ay ku bixi doonaan xiisad u dhexeyo laba beelood oo walaalo ah oo ka taagan deegaano dhaca xadka kala qaybiya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Sanbaloolshe iyo saraakiisha la socota ayaa sidoo kale la kulmi doono waxgaradka deegaanka, si ay xog wareystaan xaaladaha ka jiraa halkaasi.

Degmada Aadan Yabaal, ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kadib wajigii koowaad.

Aadan Yabaal waxaa weli agagaarkeeda difaac uga jira ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda oo howlgallo culus ka wada xadka u dhexeeya labada gobol.

Safarka taliye Sanbaloolshe ee degmada Aadan Yabaal, ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu uga baxay Muqdisho, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.