Sanbaloolshe oo gaaray Maxaas

Sanbaloolshe oo gaaray Maxaas

Maxaas (Raxanreeb) — Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdigan.

Agaasimaha hay’adda NISA, Sanbaloolshe ayaa safarkan waxaa ku wehlinaya xildhibaano iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan, xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ee dhowaan xilka laga qaaday.

Mas’uuliyiintan marka ay tageen degmadaasi, waxaa kusoo dhoweeyay maamulka degmada Maxaas, iyo mas’uuliyiin kala duwan saraakiiil ciidan iyo dadka shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Ujeedka safarka Sanbaloolshe, iyo wafdigiisa uu hoggaaminayo ayaa ah dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliye Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Gogosha uu Agaasimaha dhigay ayaa ah, mid jifadiisa hoose Cali Madaxweyne ee beesha Xawaadle ayaa lagu macneeyay mid aayo ka tashi ah oo ay ku sameeysanayaan hoggaamiye dhaqameed ayna isku raacsanyihiin.

Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay in narkii hore beeshan uu nabadoon u ahaa Cilmi Hagar Guure, oo lagu dilay dagaalladii kooxda Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle ku dhexmaray gobolka Hiiraan, billowgii dagaalka.

29-kii September ee sannadkii hore 2022-ka ayaa dagaal lagu dilay Nabadoon Cilmi Hagar Guure, ka dhacay degaanka Ceelqooxle, ee gobolka Hiiraan ka dib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidan ka soo jeeda beesha Xawaadle oo degaankaasi ku sugnaa.

Nabadoon Cilmi Hagar ayaa ka mid ahaa odayaashii Xawaadle ee ciidanka horkacayay, Al-Shabaab oo cadaawad adag u qaaday awgeed ayaa markii ay dileen waxay meydkiisa ku jiideen gaari, iyagoo shacabka u soo bandhigay, ka hor inta aan la aasin, halka markii danbe ay kooxda ku aaseen gud weyn Nabadoonka iyo 6 kaloo katirsan Macawiisleyda Hiiraan.

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa tilmaamay in jufadiisa Cali Madaxweyne ay talo iyo towfiiq lahaayeen markii ay galeen dagaalkii kooxda Al-Shabaab, balse hadda aysan jirin wax talo ah.

Hiiraan ayaa ah, halka uu ka billowday dagaalkii lagu qaaday Al-Shabaab, ee looga xureeyay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.