Sanbalooshe oo dhaliilay siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ee Hir-shabeelle

Muqdisho (Raxanreeb Online) Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa dhaliil u jeediyay siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo habka ay dowladda federaalka u maamusho arrimaha dalka.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in maamulka dowladda uu qeyb ka yahay xaaladda xasillooni-darrada siyasadeed iyo amnia ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay dowladda inay qaadato siyaasado aan wax ka qaban karin khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ay si weyn isugu xiran yihiin, isla markaana khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda ay saameyn ku yeelan karaan dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Ilaa hadda, dhinaca dowladda federaalka kama uusan soo bixin jawaab rasmi ah oo si gaar ah uga falcelinaysa eedeymaha Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Hadallada taliyihii hore ee NISA ayaa sidoo kale kusoo kordhaya doodda siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, iyadoo madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay si kala duwan u qiimeeyaan habka loo wajahayo caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.