Duqa Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti

Duqa Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti

Muqdisho (RaxanreebOnline) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa safar ku tegay magaalada Jabuuti, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Caasimadda Jabuut, Said Daoud Mohamed (Saïd Daoud).

Wefdiga Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jabuuti-Ambouli, ku soo dhaweeyay Duqa Magaalada Jabuuti, Said Daoud Mohamed (Saïd Daoud), Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Cusmaan Dubad Sugulle, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti, mas’uuliyiin reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.

Socdaalkan oo muhiim u ah xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada magaalo, ayey mas’uuliyiintu ku lafaguri doonaan sidii loo dhisi lahaa hannaan iskaashi oo joogto ah oo ku saleysan; xoojinta xiriirka ganacsi, dhiirrigelinta maalgashiga iyo khibrad-wadaagga ganacsatada labada dhinac.

Wefdiga Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxaa ka mid ah, mas’uuliyiin ka tirsan tirsan Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha oo uu ku jiro Guddoomiyaha Rugta, Yaasiin Maxamuud Cibaar, Agaasimayaal ka tirsan waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka mid ah ganacsatada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.