Saraakiil Masaari ah oo Muqdisho u yimid dardargelinta ka qeyb galka Masar howlgalka AUSSOM

Saraakiil Masaari ah oo Muqdisho u yimid dardargelinta ka qeyb galka Masar howlgalka AUSSOM

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wafdi militeri oo heer sare kana socda dalka Masar oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa bilaabay u kuurgalida sidii loo dardaran gelin lahaa sidii ciidanka Masar ay ugu soo biiri lahayeen howlgalka midowga Afrika ee AUSSOM.

S/Gaas Islam Radwan oo wefdiga hoggaaminayay ayaa Taliska guud ee ciidanka AUSSOM, kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, waxaana kulanka diirada lagu saaray sidii ciidanka Masar ay qeyb uga noqon lahayeen ciidanka midowga Afrika ee AUSSOM.

Sidoo kale wefdiga ka socda milieriga Masar ayaa kormeeri doono xarumo muhiim ah oo dejinta iyo saadka ciidanka Masar qaabblsan kuwaas oo ku kala yaallo Muqdisho iyo goobaha hawlgalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.